Uma qalantid qalbigaagan
Jabay uma qalantid
Uma qalantid niyadaadan
Qasan uma qalantid
Uma qalantid qisadan
Yaxda ah uma qalantid
X2

Uma qalantid qoomamiyo
Ciil uma qalantid uma
Qalantid qiiro aan dhamaan
Uma qalantid uma qalantid
Qofaan kuu turayn
Uma qalantid X2

Dunidaad utahay qoraxdii
Shidee ha qarsoomin
Qeerkaa hormuud adigaa
U ehe ha qarsoomin
Haka sugin qofnaba
Qosolkiyo farxadaa
Adaa khaas ulehee
Haka sugin qofnaba
X2

Uma qalantid ilmadadan
Quban uma qalantid uma
Qalantid hadalada qaraar
Uma qalantid uma qalantid
Qasab iyo adeeg uma
Qalantid X2

Uma qalantid nabarada
Qarsoon uma qalantid
Uma qalantid jismigaagan
Qalan uma qalantid
Uma qalantid waa qadar
Allee uma qalantid X2

Dunidaad utahay qoraxdii
Shidee ha qarsoomin
Qeerkaa hormuud adigaa
U ehe ha qarsoomin
Haka sugin qofnaba
Qosolkiyo farxadaa
Adaa khaas ulehee
Haka sugin qofnaba X2

Exit mobile version