Dhibic roobaad
Rabigii dhashay
Diintuu dhigay
mida dhuuxdiyo
Dhawrsan maad tahay +2
Yaaa Yaaa yaaaa

Dhibta oo badan
Mida dheef wacan
Ka dhigaysaan
U dhintaayee
Xalka maad dhigi

Yaa yaa Haa Haa

Dheeman nuura
Qof dhamaystiran
Oo dhigeediyo
Dumar qurux dheer
Dhabtii waad tee
Intan kuu dhiman
Ma dhisnaa reer

Ya ya ya ya

Baydkii labbaad

Dhaxan biisada
Barafkii dhacay
Ka dhalaalaan
Dhudi jecelee
Dugsi maad dhalin

Yaaa Yaaa Yaaa

Dhaawacaan qabay
Mid dhayaysoo
Dhiig tiiraysaan
U dhabcaalee
Dhakhtar maad noqon

Yaa yaa Yaaa Haa Haa

Dheeman nuura
Qof dhamaystiran
Oo dhigeediyo
Dumar qurux dheer
Dhabtii waad tee
Intan kuu dhiman
ma dhisnaa reer??

Exit mobile version