marku damac iy kalgacal
qalbiga iga soo dagaa
duufaano jacayl wadaa
sidii roob iigu da,ay
ogoow dambi maanan galin
hadaan deeqooy adiga
duarka kaasoo xushee
ku idhi dookhaa ku raba
jacaylka adoo daryeela
niyada daacad iiga dhiga
naftyadaa ku diirsan lahayd
qalbigaa ku dawoobi lahaa

markuu damac iyo jacayl
dabkii igu sii shiden
dabayluhu ay lunsheen
doontii ila sii dagtee
ogoow darajaan rabaa
hadaan deeqooy adiga
dunida kaa doortayee
ku idhi dookhaa ku raba
jacaylka adoo daryeela
niyada daacad iiga dhiga
naftyadaa ku diirsan lahayd
qalbigaa ku dawoobi lahaa

Exit mobile version