VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hoodi Hoodi - Lyrics

Erayadii = xasan hoori Laxankii = Axmed Haykal Codkii iyo musigii = Gulled Axmed Jacaylku hiduu lahaa Hab iyo sumadbuu lahaa Habqaad ku tilmaansatiyo Hanaan loo maruu lahaa 2x Haasaawe is dhaafa iyo Kaftan loo hiloobi karo Tixraac iyo hogatus maaha Murtiyo hodhac buu lahaa 2x Isagaan hoodi hoodi odhan Intuu humaag iigu yimid Hirkiisa i qaadayoo Sidii hogol iigu da,ayee 2x Jacaylku ma habaabi jirin Hilil uu maruu lahaa Bartuu ka hilaaca iyo Yool iyo hadafbuu lahaa 2x Heeryada i dul saaran karo Hebad uu ratuu lahaa Gacalo u hagaaga iyo Naftiisa horuu u lahaa 2x Isagaan hoodi hoodi odhan Intuu humaag iigu yimid Hirkiisa i qaadayoo Sidii hogol iigu da,ayee 2x
Queue is empty
-- / --