Heesta Idileey - Lyrics
Aday idileey indhahu
Sidii onkad iyo hilaac
Ayaamaha kaa helaan
In abti kaa helaan
Aday uurka iyo qalbiga
Dhamaan unugyada jirkuba
Albaabada kuu furayn
Afkaygu amaanayaan
Intaa amaanayaan
Waa kaa/caawa aqalkii dhisnee
Ishraatu xagaagtayee
Sidii udubkii uhaay
Ayaaha nolashayna oo
Iljoog ebed ii ahow
Midaan ifka ugu jeclahay
Adaa idilay ka dhigan
sidii rays iyo ugbaad
idilkood ideeqayee
Ina abti ideeqayee
Adaa edab iyo xishood
Astaan wanaagsaniyo
Hablaha udheertahoo
Naftayda arkootayee
Ilayn ku arkootayee
Waa kaa/maanta aqalkii dhisnee
Ishraatu xagaagtayee
Sidii udubkii uhaay
Ayaaha nolashayna oo
Iljoog ebed ii ahow
Midaan ifka ugu jeclahay