allahay awoodiis
ileen ruux oolin maayee
afka waxaan ka sheegaa
ishayduna ku faraxdaa
ilsan aragtidaadaa
ubaxay aduunyada
illaahay ku beerayow
ilmahaygiyoow aabo
ifka intaad ku nooshahay
aayatiinka wacaniyo
aroos sami ku waaroo
aakhiro halkii roon

arladan dhamaanteed
ileen ayaam la taagee
asal waxaad u leedhaay
asluubtana ka sidataa
ilsan eheladaada
unugii jidhkaygii
iin laga ilaashee
ilmahaygiyow aabe
ifka intaad ku nooshahay
aayatiinka wacaniyo
aroos sami ku waaroo
aakhiro halkii roon

Exit mobile version