Ciradka dhuxul madooob
Qosol aan dhamaan baa
Dhaawacay naftaydoo
Igu dhuujiyay caashaqa

Markaan idhinac martoo
Dhac kasiiso socodkaa
Dhamaan waxyahayga
Durba la ii dhaxqaadaa

Jaceylkani ima dhigo
Aniguna ma dhaafee
Dhaayahaa uroonee
Dhaawaciisu gudaha
Adunbaa dhayi karaayee
Ii soo dhawoow

Dhugashada indhahiyo
Dhaqaaqa joogsigaada
Dhoorsanaanta edebta leh
Wax loo dhigaa jirinee

Hadaad ii dhaxi lahayd
Ubad ii dhali lahayd
Waan kaa dhowr lahaa xumo
Dhibna Kuma quureeneee

Jaceylkani ima dhigo
Aniguna ma dhaafee
Dhaayahaa uroonee
Dhaawaciisu gudaha
Adunbaa dhayi karaayee
Ii soo dhawoow

Exit mobile version