indho quruxdeeda deqa
dawoy aaran kasheegoo
waa dayaxoo iftiimoo
gucur daah ka qaadmoo
indhahaygaa ku doogsadee
nafteydaa dugaashatee
dabeel caafimaad
dawaadii nafteydaay
ku doortay adaan ku doortay
dokheygu aduu kuraacey
dumar dhamaantood
adaan kaa daawanaaya
sidaa deega barwaaqa
ay daruurtu hoodey
doogiyo cagaarkii
dusha ubax ka helay
damacii jaceylkaa
dadkaan kuu jeclahee
la daryeel caashaqa
dabeel caafimad
dawadii nafteydaay
ku doortay adaan ku doortay
dooqeygu aduu ku raacey
dumarna deeqa roon
adaan kaa daawanaayaa

Exit mobile version