nashaad nuurkii indhaha
naq rays ku hooray iyo
nimciyo doog soo bixiyo
waxaa tahay neecaw udgoon
midii aan naawilaay
nasiibku isiiyayee
naftayda aan ku aaminaay
nolol baan kula rabaa
tii aan ku nagaaday
naxliga ka ilaashadaay
nafuu caashaqu dabray iyo

nashaad niyada qalbiga
adigay kugu nastaan
nacfiyo weel baad u tahay
nusqaan iyo xumo ka dhawr
jacayl nugul igu helay
nacfiyay xididaha wadnaha
naruuro cishqibaan tabaa
nasteexaan kaa filaa
tii aan ku nagaaday
naxliga ka ilaashadaay
nafuu caashaqu dabray iyo

Exit mobile version