qalanjooy aroortaan
isha kugu qac siiyaa
qadra aan ku idhibaa
laabtayda qaadee
quruxdaada badaniyo
qawlkaaga wacanbaa
qalbigayga saaqoo
kala qaybshay dhiigo
qurayshtii haweenkaay
qarnigaad u sidataa
laabtaad ku qorantee
qadraay ogsoonoow

qalanjooy aroortaan
isha kugu qac siiyaa
xubnahaagan qoranbaa
qayrkaa ku dhaaftee
qorax soo baxaysaay
qoortaada dheerba a
qancisay naftaydoo
ma qiyaasi karayee
qurayshtii haweenkaay
qarnigaad u sidataa
laabtaad ku qorantee
qadraay ogsoonoow

Exit mobile version