Heesta Yaasmiin - Lyrics
Erayadii & Laxankii = Saalax Doonyaale
Codka & Muusiga = Gulled Axmed
Hadaad iga yeeli lahayd
Anbina ii sini lahaa
Hadaad iga yeeli lahayd
Anbina ii sini lahaa
Intaan yarad kaa baxshoo
Yuruub iyo ameerikiyo
Afrika iskugu yeedhi lahaa
Intaan yarad kaa baxshoo
Yuruub iyo ameerikiyo
Afrika iskugu yeedhi lahaa
Aroos laga yaaba iyo
Aqal kuu yagleeli lahaa
Aroos laga yaaba iyo
Aqal kuu yagleeli lahaa
Yaasmiin aragaagu waa
Hididihii laba qalbigoo
Yaqiintii aan jeclaayee
Yaasmiin aragaagu waa
Hididihii laba qalbigoo
Yaqiintii aan jeclaayee
Yaqiintii aan jeclaa
Yagoor iyo barwaaqaa
Yalxiyo jawi macaan
Yagoor iyo barwaaqaa
Yalxiyo jawi macaan
Yaris iyi lahayn ugaadh
Yicibtiyo canabkiyo
Midhihoo idil yuururoo
Yaris iyi lahayn ugaadh
Yicibtiyo canabkiyo
Midhihoo idil yuururoo
Ubaxa yookeysanbaan
Iyada ka siin lahaa
Ubaxa yookeysanbaan
Iyada ka siin lahaa
Yaasmiin aragaagu waa
Hididihii laba qalbigoo
Yaqiintii aan jeclaayee
Yaasmiin aragaagu waa
Hididihii laba qalbigoo
Yaqiintii aan jeclaayee
Yaqiintii aan jeclaa
Yaqiintii aan jeclahayee