ku dhawrtay kusoo wadhaystay
dhigaa adiga kaa dhex doortay
haween dhami kaa i shaartay

kuudhiiby naftoo kusiiyay
ragna kaligaa ku dheehday
agtaadana anaa ku dhaartay

dhamays adigaa ideeqay
ibaray noloshoo i dhaaday
farxada igu soo dhaweeyay

idhayday adaa ibaantay
jaacal dhaba iigu dhaartay
dushiyo dhabarka iiguqaaday

dhisaay markaan kula miboobay
dhandhanka noloshaan ogaday
markaad adna iidhawaaqday
dhakhsaan usoo caafimaaday

is dhiirinay oo waan isakaabnay
dhig iyo udu isaku ahaanay
afkaan dhuuniga isku siinay

Exit mobile version