sahankii gal gacal
sadkuu ii culee
isaguna samaan
sadrigiyo qalbiga
igu soorayoow

jacalkii saldhigay
ku siyaad bogoo
farxad saa idaa
subax walba subax
ku sagootidaa

sanadkiyo bishii iyo saacadii
seeskii xubiga saakay tohoo
ku sar go an tehee
sadkii caashaqoow
sanad guuro wacan

rajadaan suge saadaalayaay
anoo urabo si wayn
ugu soo samree
rabi igu simoow

inagoo usiman
seeraan gal gacal
isa siininoow
sideen oo kale
sugayaan dad kuna

Exit mobile version