Dadku kala ayaan roon
Ama kala aqoon dheer
Ama kala asluub weyn
Haddaan eed la doonayn
Ama deeq Ilaahay
Asaraar ka taagnayn
Dadku eexo kaa gelin
Inan yahay la’aantaa
Dumar lama abuureen
Gabadh lama ammaaneen
Jacayl looma ooyeen.

Geed beer udgoon iyo
Ku dhex-yaal ugbaadoo
Ubax iyo man fuulaay
Ulihii madheedhkee
Iimey ku yaalliyo
Ilo wada xareedoo
Nafta lagu illaawaay
Dayaxoo iftiimoo
Arladoo dhan gadhoo
Afar iyo tobnaadaay.

Qorraxdoo aroortii
Dhulka soo abbaartoo
Sagal iid dhex joogtaay
Waxaad tahay adduunyada
Dhexda udubka haystoo
Xejiyoo adkeeyoo
Af-gobaadsan maayoo
Qurux lama amaahdee
Ashkir geenyo ugubeey.

Adhaxdiyo laf-dhabartiyo
Sanbabbada agtoodiyo
Ililaha halbowlaha
Eebaa ku mudanoo
Arrintii cuslaatoo
Naftu aammusnaantii
Iimaansan weydoo,

Amaleey jacaylkii
Soo dhaafyey uurkoo
Afku haysan waayoo
Goortaan ogaadee
Arammidu dillaacdaan
Ooddii ka leexshee

Axdi jaba abaal luma
Kaa eegi maayee
Igadh iyo maqaarkeed
Innagoo ahaannaan
Hadalkii ku ururshee
Adiguna dheh aammiin.

Exit mobile version