VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaqaaji wiilow - Lyrics

Dhabtii dhabtii Caashaqaan dhisaayay Dhidibadana aan u taagay Dhaawacana wiilaw ka dhawray Adigaa dhayal uga dhaqaaqay Oo ku dhaafshay dhigaa Anigoo ku dhaafsay Dharaar qudha kaama jeesan Dhaawicii anigaa i gaadhay Allaa iga soo dhameeyay Alla oo Rabaa iga soo dhameeyay Allaa Dhibaatada iyo xanuunku Dhankaagay u liicday maanta Dhamays adigoo u jeeda Dhan kale u fooftay wiiloow Dhacdadaa maanta taala Adigaa dhaliyoo abuuray Adigaa dhaxantiyo qabawga Ka doortay guri dhisnaaye Oo dhibaatadii aan la liitay Dharaarahan aan la jiifay Allaha daa’imaa i dhaafshay Dhibkiisana iga soo dhameeyay Allaa Oo Rabaa iga soo dhameeyay Allaa Dhibaatada iyo xanuunku Dhankaagay u liicday maanta Dhamays adigoo u jeeda Dhan kale u fooftay wiiloow
Queue is empty
-- / --