Heesta Garasho - Lyrics
inanyahoow galee maanka
dhex gudaaya laabtayda
ku gedaaman beerkayga
guyaal badan jacaylkaaga
anigoo la gooohaaya
la gadoomay ciilkiis a
wacadkii inaad goyso
miyay garasho kuu sheegtay
anigoo ku goobaaya
hadaad igaba sii guurtay
kaligay miyuu guudka
igu raray guhaadiisa
inanyahoow jacayl guuna
haduuu gubay qaluubtayda
xasuustuna ku gaar yeelay
gabadhnimo xishoodkeeda
anoo hoos usii guuxay
hadal gabay odhaahdiisa
balankii inaad goyso
miyaad gacalo faan mooday
anigoo ku goobaaya
hadaad igaba sii guurtay
kaligay miyuu guudka
igu raray guhaadiisa