hibashada qof kaa maqan
murugiyo dhib badnaa
maalinkiiba toban jeer
dhambaal inaad ka maqashaa
maankaygu jecelaa
waxa aniga igu mudan
marna aanan daynayn
naftu meeday leedahay
waa adiga macaanoow

muxibadiisa a=caashaqa
musuqiyo dhib necebaa
ruuxaad ku milan tahay
mudnaan inuu ku siiyaa
miirkaygu jecelaa
waxa aniga igu mudan
marna aanan daynayn
naftu meeday leedahay
waa adiga macaanoow

Exit mobile version