Heesta Ila bogo - Lyrics
ugubeey xishood
adigaa lahoo
indhahayga jecel eegmadaadee
anshaxaaba dheer
asluubtaada wacan
nafkuu uursan baa
agjooggaaga jecel
afkaygaa amaaan
tirsha awgaa
udgoonoow naftaa
ku oggolee ogoow
asaaggii ragga
kaan ka aaminoow
erayadaa kalgacal
dega oogadee
aayahayga nolashaay
uurkaad ku taal
ila dhidib aqalya hoo
aasaaska qoyseey
aramidaan i haysaa
adigaa u daawee
aragtida uroonoow hoo
abid ha iga dheeraan
ifka laba isku aayaaan noqonnee
awlaadiyo ubad helaa noqonnee
eheliyo ku farxaan aadmiguba
inanyahoow anigaaba ku oggolee
inaan noqono uliyo diir ku oggolee
eheliyo ku farxaan aaadmiguba
ila bogo
aynigaa adaa u ilwaadsanee
ubaxaan beernay intifaacannee
ila bogo
ila fulli ila fuli
axdigaan galnay ila oofiyoo
ubaxaan beernay intifaacannee
ila fuli ooo fuli
aayahayga nolashaay
uurkaad ku taal
ila dhidib aqalya hoo
aasaaska qoyseey
aramidaan i haysaa
adigaa u daawee
aragtida uroonoow hoo
abid ha iga dheeraan