VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Kala caroow Lyrics

haday camal samaantiyo
nabadiyo cisayntuba
cudur adiga kuu tahay
ana kala carawgaan
caafimaad ka qaadaa

hadii aad carada udug
cagta aad u diidoo
kibir aad la culustahay
cida kaa saraysee
cirka joogtabaan ahay

mana ihi qof caato ah
kuumana cataabine
galabtaad carawdaan
ana helay cisi sharaf

haday caashaqaygiyo
calmashada dhankayguba
cilad adiga kuu tahay
ana ciirsigaagaan
ciladaba u haystaa

hadaad cabasho doontahay
dhidig kuu calaacala
cindigaagu jecelyay
carigsi ana mooyee
caloolyawga kama helo

Lyyrics by: anwar

Song name
-- / --