Hortaa caashaqa lasheego
Caydhbaan ka ahaa saboole
Adaa curadyahow jacaylka
Cindigayga baray qiimihiisa
Habeen kastoo laciido
Cajiib walbo muu ahaado
Codkaan hadaanan ka seexan
Cidhiidhi kashaa dareenta
Cishada kaliyeen ku waayo
Naftayduna kuu cidlooto
Ku caawi agjoogiataada

Qalbiga dumar waa cajiiraa
Culayska maqaadanaayo
Ciyaarta ka dhowr ilaali
Adigu ciildaran ka baaji
Caqliga alle kuu baladhi
Cimriga rabi kuu siyaadi
Casriga ducadaa ku laaban
Cakuye macaane iwanaaji
Cishada kaliya een ku waayo
Naftaydani kuu cidloota
Ku caawi agjoogiataada

Exit mobile version