balantiyo axdiga
buuraaha ka culus
lama baal maree
naf kuu baahan adiga
been laguma sabo
bidhaantaada ruux
boholyoow u qaba
xiisaha ku badan
lama baylahsho
qof jacayl ku baday
ogoow lama bahdilo

sida ubax biyo leh
ka dhex baxay qalbiga
badankiyo jidhkiyo
adoo beerka yaal
lama dago bar kale
birmadkaaga ruux
baahi wayn u qaba
xiisaha ku badan
lama baylahsho
qof jacayl ku baday
ogoow lama bahdilo

Exit mobile version