saw kuma qorin
bogad qaadatay
saw qaladka ma jiro

saw qof iima tihid
maaan qaboojiyo
qaxarkaa ma jira macaan

saw kuma qarsado
saw qalanjo dumar
quman iima tihid
saw kuma qarsado

saw qirasho dhaba
jacayl qiimo badan
qalbi kuma dhasoo
saw qirasho dhaba

saw qolaa dagtoo
qofna kuna lahayn
qasri aad u weyn
qudha kaama siin

sawqareen ma tihid
wadnihii qalnaa
dhabqi wayayoo
raga qiimo dheer

saw quraysh naftii
qaracda dhistiyo
saw qalbi dhaya iima tihid

saw geesi qaran
u noqday qarankii
iima tihiid macaane

saw kuma qancoo
kolkaad tidhaa
dani iima noqon
saw kuma qanco

saw kuma qabo
qiro caashaqoo
ma qarqara dartaa
saw kuma qabo

saw qolaa dagtoo
qofna kuna lahayn
qasri aad u weyn
qudha kaama siin

sawqareen ma tihid
wadnihii qalnaa
dhabqi wayayoo
raga qiimo dheer

Exit mobile version