waa laba dhidiyo
dheef wadaagiyo
kalgacayl dhabana
isla soo dhigay

waa laba dhursugay
wakhtigay dhigteen
axdi dharanyoo
dheligii ka jira

waa laba dhalada
dhuuxiyo lafaha
dhismaha qoyskiyo
arooskay dhigteen
idin dhowr rabigu

waa laba dhidiboo
dhaqanka iyo hidaha
dhexda loo humaney
ku dhaato la hubo

waa laba ku dheer somalinimo
dheefsanaya shaaraf
wax dhibtooda dila
wa dhalad nasaba
dhuuxiyo lafaha
dhismiyo qoysnimiyo
idin dhowr rabigu

Exit mobile version