VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waan raadiyaa - Lyrics

Run miyaa jacayl Inuu raaxo yahay Inuu raago goor Ruuxuu ku dhaco Inuu raamo abid Run miyaa jacayl Inuu raaxo yahay Inuu raago goor Ruuxuu ku dhaco Inuu raamo abid Raga kaan jeclaa Kaan raadin jiray Kaan ruuxda iyo Ruba daydi idhi Adigaa u roon Raga kaan jeclaa Kaan raadin jiray Kaan ruuxda iyo Ruba daydi idhi Adigaa u roon Waan raadiyaa daba roorayaa Waan raadiyaa daba ordayaa Raaxadii hargaysiyo Xeebtii berbera reerkoodu yahaaye Waan raadiyaa daba ordayaa Waan raadiyaa daba roorayaa Raaxadii hargaysiyo Xeebtii berbera reerkoodu joogaane Kaama raysan karo Caashaqan i raray Kalkacayl ku riday Rasbigiisa xaas Ku rakaadataa Kaama raysan karo Caashaqan i raray Kalkacayl ku riday Rasbigiisa xaas Ku rakaadataa Rijaalkii qalbiga Rug ku yeeshayoo Rajadaydiyoow Rarankaan xubiga Daji rays qaboow Rijaalkii qalbiga Rug ku yeeshayoo Rajadaydiyoow Rarankaan xubiga Daji rays qaboow Waan raadiyaa daba ordayaa Waan raadiyaa daba roorayaa Raaxadii hargaysiyo Xeebtii berbera reerkoodu yahaaye Waan raadiyaa daba ordayaa Waan raadiyaa daba roorayaa Raaxadii hargaysiyo Xeebtii berbera reerkoodu yahaaye Xeebtii berbera reerkoodu joogaane
Queue is empty
-- / --