Heesta Xareed - Lyrics
Jacayl xubi weeye
Xaqdhowr ku barbaara
xubi iyo nolol
Xiisaha kalgacaylka
Xubiga ka abuurma
Ayaan xiska deeqa
Adaa xulkayga ah
Adaa xidigayga ah
Adaaba xasuusta
Xiskayga ka buuxshay
Dareenka xad dhaafay
Xagaaga ujeeda
Xareed ka waraabi
Jacayl xogtiisa
ma uu helo xaasid
Xumaan ha uquurin
Macaan ha xasidin
Adaan xubnahaygu
Dhamaan uxadreenin
xaxoorin wanaaga
Adaa xulkayga ah
Adaa xidigayga ah
Adaaba xasuusta
Xiskayga ka buuxshay
Dareenka xad dhaafay
Xagaaga ujeeda
Xareed ka waraabi