maahmaahdu waa murtiye
beentu ay ka maqantahayee
mooanahaan ogayne
midigtaadu hadii ay
canbe kaa murxisee
ilmo saare aad ku goyside
ma ka aqbalaayee
midkood indhahaaga
haday wax mudaaneey
tan kalaa u maliishee
markiiba ilmaysee
ma kala maarmi karaan
ana sidaasaad meel iiga taale
ma kaa maarmi karaaye
muxibadaada mansab ii noqdee
muslinkaa marag ahee
markhaatigayga waayee
maclinaan u tagayee
u aleesho mariyee
ka macneeya ayaanta
wa ku soo mudan doontee
madaxeed soo luglaydoo
mirmirkeed kor u qaadee
maradii ka macneeshee
meherkaagii mahad waayaas
ku macneeyee
