Heesta Aramidu - Lyrics
intaan aamusnaaye amakaagsanaabuu
waqtiguna ordaayoo waayuhu i ootee
aramidu isoo ridan maad iman agtaydoo
ana aan ku eegtee
amraneey nasiibkaa wax abaabulaayee
waa wada amaarado dhibaatada aduunkuye
aramidu isoo ridan maad iman agtaydoo
ana aan ku eegtee
asalkaba jacaylku intuu ugubka igu yahay
eenu uurkayga galin oogada ku sii fidin
ayaamahan daraadaa anfacadii ka go'ayoo
anbadoo habaaboo waaniga asqoobee