VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Aramidu mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Halimo Khalif Magool
Aramidu

Magool

Intaan aamusnaayee
amakaagsanaabuu
wakhtiguna ordaayoo
waayuhu i ooteen
aramidu isoo ridan
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Tubeec

Amraney nasiibkaa
waxbaad u ladee
waa wada amaarado
dhibaatada adduunkuye
arimadu isoo ridan
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Magool

Asalkaba jacaylku
intuu ugubka igu yahay
ee nuqudka iga galin
oogada ku sii fidin
aramidu isoo ridi
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Tubeec

Ayamahan daraadaa
anfacadii ka go’ayoo
ambadoo habaaboo
waanigaa asqoobee
aramidu isoo ridi
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

codkii Halimo Khalif Magool, Mahamed S Tubeec