VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dalmar - Lyrics

waadigan duloobayee dooxyada fadhiistee tiisaba daryeelaa dadka kale wax taree maxaan kula dadaalaa dalmaraw dantaada ku ciishee waxaad ii dig leedahay dabinkaad i galisee ha la doodin ha dagaalin naftaada dalmaraw dalmar kaalay deeqa adaan kugu dan seegee dalmaraw dookhu yaablee dulmi lama xanbaartee dugsigaan ku jiraybaad dibada iiga saartee dagi waayayee daruurtuba halkaan maro bal nasiib daraantay kuma soo da'aysoo ku daroori waydaa iga durugtay kugu daalay ina dayrisee dayaxaba cadceedaa duhurkii hadhaysee adigaa i dadaayee sidaad damacday maahee dayr iyo nugaal bari wada daaqi mayside dulmi la'aantaad igu dilaysay hadii aan deeqa hooy deeqa kaalay dalmar warka lama daboolee wixii ku daran ii sheeg nacabkii i dilayaa daris aad la noqotoo docbaad iiga wareentee dalmaroow waa dookhu yaablee dantiisu ciishoo duunyada abaartiyo kala jecel hir doogle ana dab iyo meel kulul hadh ku doorsan maayee maxaan kula dadaalaa darmalow dantaada ku ciishee
Queue is empty
-- / --