Heesta Dalmar - Lyrics
waadigan duloobayee
dooxyada fadhiistee
tiisaba daryeelaa
dadka kale wax taree
maxaan kula dadaalaa
dalmaraw dantaada ku ciishee
waxaad ii dig leedahay
dabinkaad i galisee
ha la doodin ha dagaalin
naftaada dalmaraw dalmar
kaalay deeqa adaan kugu dan seegee
dalmaraw dookhu yaablee
dulmi lama xanbaartee
dugsigaan ku jiraybaad
dibada iiga saartee
dagi waayayee daruurtuba halkaan maro
bal nasiib daraantay kuma soo da'aysoo
ku daroori waydaa
iga durugtay kugu daalay ina dayrisee
dayaxaba cadceedaa duhurkii hadhaysee
adigaa i dadaayee
sidaad damacday maahee dayr iyo nugaal bari
wada daaqi mayside
dulmi la'aantaad igu dilaysay
hadii aan deeqa hooy deeqa
kaalay dalmar warka lama daboolee
wixii ku daran ii sheeg
nacabkii i dilayaa daris aad la noqotoo
docbaad iiga wareentee
dalmaroow waa dookhu yaablee
dantiisu ciishoo
duunyada abaartiyo kala jecel hir doogle
ana dab iyo meel kulul hadh ku doorsan maayee
maxaan kula dadaalaa darmalow dantaada ku ciishee