sida aad dhalaantay
oo aan ku dhalay
dhibta kaa dawaystee

dhinacyada wadnaha iyo
dhuuntuu kalgacalkuna
dhamuu iigaaga yaalaa
dhabtuu jacaylku yaal

sida dhirta midhaha leh
oo dhibicii dayreed
subaxnimo ku soo dhacay

ooy dharabkiyo malabku
dhulka dacalka saareen

aan ku dhaweeyoo
marna aan ku dheehdee
adiguna ha dheeraan

ilaa aad dhag iyo qurux
intuu kuu dhameeyaa
dadkaba dheertee

Exit mobile version