VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhoof Nooli Kulanteed - Lyrics

Kuluc Jacaylkan I dhaawacey Jaceylkan idhalan rogey Jacaylkan idhaansadey Jaceylkii dhabta ahaa Soo dhawaatey halistii Markaad iga dhaqaaqdee Bal inaan ku dhiirado Dhexdaan xidhanayaa Malmal baan dhiteeysanee Dhoof nooli kulantee Ha dhalantaalin caashaqa Dhakso iigu soo noqo. Xaliimo Anba dhiigu kama fulo Dhanbaal wadaha beerkoo Sidaan dhaxal u yeeshuu Idhex dagey ma guuree Waxan dhuuni ka cunaa Dhan dhanaansi kaliyee Way dhaamisaa weel Ilmada iga dhaceeysaa Dhabankayga qooysee Dhawr nabad kusii joog Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso waan usoo noqon. Kuluc Dhaqaaq toobiyaha qaad Dhulku taago taago Dharaartuna dalaalimo Malaa igao ku dhawroo Wax ku dhiba ilaahey Kuuma soo dhaweeyee Gaadiidkana mid aan dhicin Dheeliyeen usii raac Dhakhso meel walba u taga Dhoof nooli kulantee Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso iigusoo noqo. Xaliimo Jacayl aan dhamaaneyn Jacayl aan I dhaafeeyn Dhuuxiyo wadnaha galey Jacaylkii dhulkeeygiyo Halkan igu dhibaayaan Debed u dhoofinayaa Waan soo dhiibi doonaa Dhanbaal iyo waraaqo aan Dhiig kusoo qoraayee Dhawr nabad kusii joog Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso waan usoo noqon
Queue is empty
-- / --