VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Godadle Waa Godiise - Lyrics

gacalo gacalooy hoow gaclo gacantaydii midigeey gididle waa gadiisiiye godole gudhbood iyo guhaad guri may gasheen gabogabiyo ciil maanigaa guntaday gabax idhi gugaygoon weli gelin todoba gacale waa gadiisiiye gododle na guryoo gambiyay intuu gaatamuu garbo aan wax qarin la gaboodsadee garka xariga adag nagu giijiyee guul baan wadnee galo waa gardaran gacale waa gadiisiiye gododle ma labaan guursadoo guul daro iy ciil xalay guurihii waxaan gawdaka ku haya gego madhan gawaan gaadmadii horaan la guuxayaa gaaxdeedii la golongoloo gacaltooyadiin iga gaabsatee guulow allaa igargaarayee gabdhahyahow galab wanaagsan oo i gabtee waa gadiiniiye igabtee sida geed ku yaal gego madhan dusheed baan ged gadoomayaa laba gebi dhexdoodee geb gablaynayaayoo waan goohayaa gacale waa gadiisiiye gododle sida goosan adhi uu weer galuu ka la gaabiyaa haraad gawracmee gubtoo gelin cidlaan ku godoomayaa good iyo abees gacan webi ma galiy gacale waa gadiisiiye gododle gabal dhacay dam yidhi gaajo iyo haraad nimaad galalabteen ka ma gaabsadoo wuu soo gataacaa gacmahaygii baa godin lagu jaroo dumar garasho ma leh geesi baa gablamay markii ay gantaal sidii goodirkii garka iyo wadanaha garab kala heleen gabdhayohow alla waa galgelyeen guulow alaa igargaarayee gabdhayahow galab wanaagsan oo igabtee waa gadininiiye
Queue is empty
-- / --