VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Jowhariyo luul mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Halimo Khalif Magool
Jowhariyo luul

helay raydal qaatumayeey roobkii helay raydal qaatumayee
la tumasheeyay oon la kala raaginee

kaan u jiidh go'ayow waa jacaylkaagii
ala janow aawadaa ma jiifsado ee

tahay meel qabaw ka baxoo qodbaad tahay meel qabaw ka baxoo
qajeel ugaxdii qariyoo qac aan ku arkaan is qoonsadayo
bal qabsoo waa adaan ku qandhaysnahaye

aaha warba looma dhintoo hedmooyaha warba looma dhinto
haaduna subaxdii hortay ma kacdee
aniyo hilbahaygii kala hadhnee
laba isu hilowda ha iga hadhee
hamo beeneey sowtan la i helayee

kowdiibaan la joogaaye kowaay kowdiibaan la joogaayee
labada laabta ma isa saarnaayeey
sadexda suuqa ma isla aadnaayeey
afareey afka ma isa saarnaayeey
shanatana shiikha ma isla aadnaayeey
lixdana laamidaan maraynaayeey
todoba dhul dambaa ku tiirsadayee
sideedeey sinta ma isa saaraayeey
sagaalka saacadiibaa la joogaayee
tobanka anbadadiyo moolka e

xalay layla baajinayee qarooraan xalay layla baajinayee
caawana ma daruurihiibaayeey

guurku hore beelaa ka caboo gabadhayow guurku hore beelaa ka caboo
bilo janobe guuleyaaleey bacadkii reer wardhiiglaybaan u baxoo
bondare badhtankaan ka soo marayeey binaaje bildhishdaan ka soo marayo
kanbaab xero reerka uga dhacayee bileeti barbarkaan kasoo marayoo
sidaaan buko daayay barbaroo sidii bili lumay bin soo siiyee
barqaan helay kaan u bahnaayee

codkii Halimo Khalif Magool