Heesta Kii dhabajacaylku - Lyrics
dhirta xididka hoosaa
dhulka looga beeree
way dhici lahayd
dhismahooda weeyee
laylalaylay laylalaylay
kii dhaba jacaylkuna
halkii kama dhaqaaqoo
dhidibaa u aasan
waan sidaa dhilowyahan
intuu laag isaga dhigay
dhexda loogo marayee
dhakhso uga baxaayee
kii dhaba jacaylkuna
lama kala dhantaaloo
lafuhuu dhameeyaa
sida dhuda haweenyaa
dheehee cadeeduye
ubax wada dhalaaliyo
dhinbiishaa hadhaysee
kol haduu dhab kaa yahay
kala dhuuman maynee
waagaa dharaar noqon
kii dhaba jacaylkuna
halkii kama dhaqaaqoo
dhidibaa u aasan
kii dhaba jacaylkuna
waa dhaqan wadaag iyo
isu dhalasho daacada
kol haduu dhamaan yahay
kala dhuuman maynee
waagaa dharaar noqon