Tabaalo aduun riyo
Waa ma tegtee,
Maba tallaa maba
Talaab san karaayee
Tudhi waayihii caashaq
Ma i taabayee

Meel tilmaan wacan
Buu tariig iiga baxoo
Maba tallaa maba
Talaab san karaayee
Tudhi waayihii caashaq
Ma i taabayeee

Mid jacayl tabcay oo Tiicaysaan ahayoo
Maba tallaa maba
Talaab San karaayee
Tudhi waayihii caashaq
Ma i taabayee

Tuubtii wadnahuu
kutaagan yahow,
Maba tallaa maba
Talaab san karaayee
Tudhi waayihii caashaq
Ma i taabayee

Taladay waa isagoo
Tafta lay geliyaa
Maba tallaa maba
Talaabsan karaayee
Tudhi waayihii caashaq
Ma i taabayee

Exit mobile version