hadii xalay sagaalkii
xilkaskii noo dhaqaaqay
oo maanta xoogii haysto
xamdi illaahay weeye
magacii waa xaroobee
xalaal dhamaan ku ciida

hadii xaqii la aasay
xidigaha ka muuqdo
xabaashii ay ku tuuren
xalay nalooga saaray
magacii waa xaroobee
xalaal dhamaan ku ciida

xukuumadii qabiilkiyo
xumaha noo horseeday
hadiii dhamaan la xooray
oo maanta xoogii haysto
magacii waa xaroobee
xalaal dhamaan ku ciida

hadii xalay sagaalkii
xilkaskii noo dhaqaaqay
oo maanta xoogii haysto
xamdi illaahay weeye
magacii waa xaroobee
xalaal dhamaan ku ciida

Exit mobile version