VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nayruus ‘Neyruus’ - Lyrics

[Tubeec] Neyruusku waa ciid waa nagi aduunyadu waa nuur kalgacalkuye magooley waa nuur kalgacalkuye xaliimooy nafta maw xidigisaa nacab ma iska celisaa waxaad naawileysiyo naqu makuu cuntamayaa inaguna nasiibkeen nasiibkaa nasiibkey maku naaxi doonaa caashaquna neecawda maku neefsan doonaa [Magool] Nayruusku waa ciid waa nagi adduunyadu waa naar kalgacalkuye nasiibow waa naar kalgacalkuye nafteydow nabaraa i gaadhoo ma nuux nuuxsan karayee anigay noq noqoshadu i naanaabineysaa sidan kuugu nabanahay hadaad iigu nudan tahay amaad iigu nugushahay xiskeenoo nagaadiyo nimco la arki doonee [Tubeec] Waligey kumaan nicin naagana kuma ag dhigin ka nixina ismaan odhan naruurooy ka nixina ismaan odhan nasteexooy nidir waxan ku gali jirey noloshadaada awgeed qalbigeedu noogiyo naafaba ha daayee allahayow nasiibkeen nasiibkaa nasiibkey maku naaxi doonaa caashaquna neecawda maku neefsan doonaa [Magool] Neyruusku waa ciid waa nagi adduunyadu waa naar kalgacalkuye nasiibow waa naar kalgacalkuye nafteydow waa nibiri caashaquye nugul waa u daran yee hore iigumaad nixin naxariis kalgacalee waan ku naawilaayee nabad aan ku waarnee igadaa litaaqada niyad samida caashaqa adiguna ha naafeyn.
Queue is empty
-- / --