VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shimbiryahow ma duushaa - Lyrics

[Dhextaal]
Shimbiryahow ma duushaa
ma dabeylla raacdaa
dadka ma u adeegtaa
howl ma u dadaashaa

dalanbaabi baan ahay
daallaa dhacaayee
kala qaad dibnaha oo
dal yaqaan ma tahay oo
dagmadii fogaatiyoo
meeshi laguu diroo
dowdgeed ma garataa

Shimbiryahow dawaafee
ku dul jooga laantoo
aan ku dan sheegtoon
dood kuula aadee
ruux aan ku daalloo
ley diidanyahoo
ana aanan deyneyn
yaan doonayaayoo
dawadeydu noqotee
ma i diir naxdaayoo
diil ma i galisaa

Gudcur damboo habeen dumay
hasha taal duleesho
dabdeed u yeeroo
inyar daadaheeyo
meel durugsan geeyoo
deeqsii warkeygoo
soo saar dushaadoo
bada soo dabaaloo
soo maax daruurtoo
aashu ha dilaacdee
soo dago agteydaa

[Dhextaal]
Shimbiryahow ma duushaa
ma dabeylla raacdaa
dadka ma u adeegtaa
howl ma u dadaashaa

dalanbaabi baan ahay
daallaa dhacaayee
kala qaad dibnaha oo
dal yaqaan ma tahay oo
dagmadii fogaatiyo
meeshi laguu diroo
dowdeed ma garataa

Queue is empty
-- / --