VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida Canabka Beeraha - Lyrics

sida canabka beeraha ama kayn caleenliyo dhul cagaarku simanyahay caadiyo gar loo gubay cosobkii ku yaaloo cawshu gaardiyaysoo cidi daaqin baa tee cawo waxaa leh ama ciil bixi lahaa calaf nimuu ku siiyoo cunto kula wadaagoo gagol lula caweysaa cirka oo daruurliyo casar hogol daroortiyo cadceed subax la moodyow waxa iila cayn tahay dayaxoo caweyskii carigo mugdi ahaa dhulkii wada cadeeye cawo waxaa leh cadradii nasiibiyo calaf kuu aroostee caruur kuu xanbaartee gogol kula cayaarta cududaha ku yaaliyo cabaadhyihiyo laafyaha caadilkii ku uumaa qurux cayn la doonaba inanyahay tin iyo cidhib cadka kuu dhameeyoo cayb kaa ilaashee adba wiil codkara too cilmi iyo aqoon loo caqil taliya baad tee ruuxaan caawo kula simo ifka cagaha soo dhigay cidi sheegi maysoo adigay cajebiyee
Queue is empty
-- / --