sida geed caleenloo
ubax wada casaadiyo
cosbiyo barwaaqo leh

cirka mool ku taaliyo
sagalkii cadceedaay
hoobeey hooy

adiga i cajibayoo hooy hooy
caawiyay naftaydee hooy

dib ka caafimadee
waa inaynu ciidnaa

geesigaan cadaawaha
cududiisa xooga le
kaga ciil baxaaayow

in kastoon cabaariyo
mudo kala cilaalnayn
hoobeey hooy

calafban sugaynoo hooy hooy
caawiyay nafteenii hooy hooy

dib kaa caafimaadee
waa inaynu ciidnaa

hoobeey hoobeey hoyaale
hoobaalayow hoyale
hoobeey hoobeey hoyale

sida cadarka roobkoo
dhul cagaar le helayoo
ciidii rusheeyay

cishqi soo darooraa
calooshayda jiifoo hoobeey hooy

xareeda i cabsiiyoo hooy hooy
caawi naftaydiii hooy hooy

adba curad i deeqiyo
waxa tahay mid caanoo
cid loo dhigo la waayee

raga ciida joogana
adigaa i cajibayee
hoobeey hooy

adigaa i cajibayoo
caawiyey naftaydee

adigaa ka caanoo
caawiyey naftaydeen

Exit mobile version