barwaaqaa la sugayaa
soomaali dhoylaay
hore u ma u soconaa
mise saba madhnaantiyo
silicaad ku noolaan
soonkeeda eedaay
sancaduu ku baaqaay
sirmaqabe u dhiibay
nacabkeeda siiyaay
soofdaran habaabaay
surmaseegta badaneey
somaali dhoylaay
hore ma u soconaa
mise saba madhnaantiyo
silicaad ku noolaan

sixir lgama waayaay
saxariir ku faanaay
seefahay isla dhacadaay
seedaha is gooyay
sababteeda doonaay
malageed sidatoooy
soomaali dhoylaay
hore ma u soconaa
mise saba madhnaantiyo
silicaad ku noolaan

Exit mobile version