VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Waa lay sitaa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Halimo Khalif Magool
Waa lay sitaa

waa la isitaayoo
dawan baa iisan qadhayoo
samadaa korkeediyo
sudhan ogadaydoo
saymaha kubeeg nahay.
seetiyo hogaan bay
naftu igula socotaa
masamraa maseexdaa
masugaa masaadshaa
masad caal galayoo
saadkiyo abaarti
sahaydii mabeegaa
saama kugula balamaa

sadax jeer ayaan xalay
hurdadii ka salaloo
dhinacaan useexdaa
qaban waa sariirtaan
saaraa korkeedee
saakaan dusheedii
soojeed ku gaadhee
masamraa maseexda
masugaa masaadshaa
masadcaal galayoo
saadkiyo abaartii
sahaydii mabeegaa
saamakugula balamaa

caashaqu sun weeyoo
waa seef halbowlaha
saablayda jiidhoo
sambabada wareentoo
seedaha kugoysee
aniguu salaan iyo
saldhig iga sameestee
masamraa maseexdaa
masugaa masaadshaa
masad caal galayoo
saadkiyo abaartii
sahaydii mabeegaa
saamakugula balamaa

Lyrics by Abdirisak Almiito

codkii Halimo Khalif Magool