VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xalay daruustii laydhigay - Lyrics

Xalay daruustii laydhigay, intaan daawanlaa buu Fakarku igu soo dagay Ila koray daruuraha! Habeen horena doodi Dunta iyo xariirtii Degmadii arooska Waagu iigu daalacay Duhurkii shalaytana Dunidaan dhib waayine Warqadihii la soo diray Durbadaan furfuray bay Dadkii igaga kediyeen! Markuu inan dantii wado Ee uu dugsiga jiro Dayaaradda ma raacaa Jacaylka uma duulee Dareenkaa xusuustaa Qaar aan u diidayn Anna ii danaynayn Dadaalkii cusleeyee!; Xalay dahab la moodkii, Intaan daawan laa buu Dayaxii habeennimo Iga galay daruuraha! Habeen horena dooddii Danta wadajirkeenuu Waaga iigu daalacay! Duhurkii shalaytona Dunidaan dhib waayine Dibnahaan u furay buu Soo daatay dhibicii! Markuu inan dantii wado Ee uu dugsiga jiro Dayaaradda ma raacaa Jacaylka uma duulee Dareenkaa xusuustaa Qaar aan u diidayn Anna ii danaynayn Dadaalkii cusleeyee.
Queue is empty
-- / --