xalay duruustii la ii dhigay
intaan daawan lagaabuu
fikirkii igu soo dagay
il fuulay daruuraha

habeen horena doodii
dunta iyo xariirtii
dagmadii arooskaa
waagu iigu daalacay

duhurkii shalaytana
dunidaan dhib waayine
warqadihii la soo diray
durbadaan furfuraybay
dadkii igaga kadiyeen

markuu inan dantii wado
ee uu dugsiga jiro
diyaarada ma raacoo
jacaylka uma duulee
dareenkaa xasuustaa
qaar aanu diidayn
ana dii danaynayn
dadaalkii cusleeyee

xalay dahab la moodkii
intaan daawan laaabuu
dayaxii habeenimo
iga galay daruuraha

habeen horana doodii
danta wada jirkeenuu
waagu iigu daalacay

duhurkii shalaytana
dunidaan dhib waayine
dibnahaan u furaybuu
soo daatay dhibicii

Exit mobile version