adaa baahida kalgacal
naftayda ku beerayoo
horaantii anoo badqaba
dareen igu sii batiyo
adaa igu rida badwayn
hadana axdigii ka baxay
bogtii way i raysatoo
baxnaano allaan helee
bogsadaye barasho wacan

ada balag ii luloo
bulshada kaaga soo baxoo
jacayl iigu baaqayee
waxaa tahay laba bogloo
anaad bohol igu wadee
beentaa bay shaw ahayd
bogtii way i raysatoo
baxnaano allaan helee
bogsadaye barasho wacan

Exit mobile version