waa cadoow jacaylu
cidna aanan bixinoo
dunideenan caanka ah
marna waa cadaawoo
adoo caafimaad qaba
cilad aanad garanayn
cirka kaaga keenoo
cudurkiisu waa halis
culimadu ka quusteen
inta kala colowdee
anma kala cadgoostee
kala carartay waa hore
caashaqa u sababee
caadiloow allahayoow
cidlo yaanu iga hellin

waa cadaw jacaylu
ciirsi aan lahaynoo
caqligaaga doorshee
marna waa cawaanoo
adoo wali caruuroo
cara nabada yaalo
u caweeya hagarli,
ciil kugu abuuroo
aad la cayn wareegtee
inta kala colowdee
anma kala cadgoostee
kala carartay waa hore
caashaqa u sababee
caadiloow allahayoow
cidlo yaanu iga hellin

Exit mobile version