aduunyada dhamaanteed
inta wiil ku nool
adaan kaa inshaarteed
naftu ku ogolaatee
aduunyada dhamaanteed
inta gabadh ku nool
adaan kaa arkoodoo
ugbaad iimaanka deeqdee
uurkiyo calooshiyo
halistaad abaartood
ililaha halbawlaha
adigaa u arimiyee
ayaantii ku sharaftiyo
farxadii aduunyadee
lama oolin karayee

ifka ha isku keen simo
alla waxaan ka tuugaa
inaan aqal yagleelno
ubad kuu xanbaaroo
arin iyo aduun
ifka nolol wadaagnee
alla waxaan ka tuugaa
inay inoo ahaatoo
odoroskeeda waayaha
ehel isku ahaanoo
ifka nolol wadaagnee
abshir weeyi xaajadu
igmaday asaagaa
adiguna intifaacsi nololeed
arinkeenu noqoy
aflax weeyi xaajadu
kaa eegtay qaarkaa
adiguna udub dhexaadka nololeed
aqbalkeeda noqo

Exit mobile version