dhaayihii naftaydoow
dhab ahaan dharaarahan
dhiigiyo halawlaha
dhimbiila shidaaye
caashaq baa I dhambalayoo
intuu ikala dhantaalay
ku dhex roray maankee
aniguna dhaawacaan qabo
waxba dhawran maayee
dhabtii waan ku jecelahay
dhool qurux la modyow
labadeenan kala dheer
yaa isu so dhaweeyoo
ii dhiiba gacantoo
caashaqa dhibtiisana
aan kala dhamaanee

ma ogtahay dhaladoow
dhufashada wadnaha
dhaaxaan adkaysoo
dhuuniigii ka go,ayoo
alleylahe dhigaygoow
jacayl ina dhexyaalay
lagu dhigay halbawlaha
qalbiguu dhex jooga
adna hay dhamaystirin
dhool qurux la modyow
labadeenan kala dheer
yaa isu so dhaweeyoo
ii dhiiba gacantoo
caashaqa dhibtiisana
aan kala dhamaanee

Exit mobile version