badalkaa dunidaba
hadii la iigu deeqo
inta la isku soo daro
la i siiiyo duuduub
ogoow buuro dahabiyo
intuu noole doonee
aadmigu daneeyaba
kugu doorsan maaye
ifka waxa dul joogiyo
adigaan dadkoo idil
kaa daawanayee
daymada hadiyo jeer
sida diinkaan eegmada
isha kugu daryeelaa

dookhiyo jacaylkuba
laba darisa weeyoo
ruuxii ku deeqaa
laabtaadu doontaa
ogoow duco laabtiyo
adigaa dareenkiyo
dihashada ku beerooo
ku duxaaya maankee
adigaan da,daadiyo
raga doorkan maanta ah
kaa daawanaayoo
daymada hadiyo jeer
sida diinkaan eegmada
isha kugu daryeelaa

Exit mobile version